Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo gaba gabeeyay safarkii shaqo ee uu ku joogay dalka Masar, ayaa dib ugu laabtay Muqdisho

26″ July “2022” Mqdisho”SONNA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku joogay Jamhuuriyadda Masar ayaa dib ugu laabtay caas壯陽藥 imadda dalka ee Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo intii uu ku sugnaa dalka Masar kulan la yeeshay dhigiisa Masar Cabdulfataax Al-siisi ayaa kala hadlay dib u xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal, kaas oo daciifay 5 tii sano ee la soo dhaafay .

Labada Madaxweyne ayaa warmurtiyeed ay xalay wadajir u soo saareen ku sheegay in ay isla garteen dardar galinta dhinacyada iskaashiga dibolomaasiyadeed, dhaqaale iyo midka wax wada-qabsi ee Somalia iyo Masar

Leave a Reply