23 “May”2022” Muqdisho
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad heerkeedu sarreeyo oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka, waxa uu xilka Madaxweynaha JFS kaga la wareegay Madaxweynihii 9-aad ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyey walaalkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hoggaamintiisii dalka, dadaalkii uu gel犀利士 iyey dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.
Madaxweynihii sagaalaad ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey walaalkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, xilka Madaxweynaha 10-aad ee JFS, isaga oo Alle uga baryey in uu fududeeyo masuuliyadda culus ee loo doortay, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay si buuxda ula shaqeeyaan dowladda cusub.