Xasan Sheekh Oo ku baaqay xabad joojin degdeg ah, oo ku aadan colaada Bariga dhexe ee Falastiin, Israel Iyo Lubnaan
Isaga oo soo bandhigay mowqifka dowladda Soomaaliya ee xalka Nabad waarta oo ka hanaqaadda Bariga dhexe waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka sheegay Shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee dowladaha Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay magaalada Riyadh sida uu uga xun yahay dalkiisa qasaaraha gaaray shacabka Falastiin iyo Lubnaan, kuwaas oo uu yiri waxay la kulmeen xasuuqa aan loo meel dayin iyo burburinta kaabayaashoodii nolosha
“Qadiyadda Gaza, waa mid ka gun weyn siyaasad iyo afkaar intaba, waxa ayna salka ku haysaa xuquuqda aadanaha, karaamada iyo caddaaladda ayuu ku yiri khudabdiisa Madaxweyne Xasan oo Intaas ku daray
“Xalka nabad waarta oo bariga dhexe ka dhalata, waxa uu ku imaan karaa oo kaliya in la sameeyo dowlad Falastiini ah oo leh xuduudaheedii 1967-kii, caasimaddeeduna tahay Qudus”
Madaxweynaha Somalia ayaa ugu baaqay madaxda dowladdaha Shirka ka qayb galaya iyo beesha caalamka in la qaado tallaabooyin wadajir ah oo gurmad degdeg ah lagu gaarsiinayo shacabka dhibaateysan, waxa uuna ku celiyay In dib loogu laabto miiska wada hadalka