Madaxweyne Xasan Sheekh Xasan Oo Gaaray dalka Burundi

Wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Bujumbura ee dalka Burundi, kadib casuumaad rasmi oo uu ka helay madaxweynaha Burundi mudane Évariste Ndayishimiye.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa halkaasi si diiran loogu dhaweeyay, ayada oo intaas kadib ay madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Burundi kulan gaar ah ku yeeshay Mataxtooyada Burundi.

Kulankaan ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo haatan badankii ka socda gobollada dhexe ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey madaxweynaha Burundi iyo dowladiisa taageerada iyo nafhurnimada ay Soomaaliya u sameeyeen, taas oo ah mid aan la ilaawi karin.

Dhinaca kale, madaxweynaha Burundi Évariste Ndayishimiye ayaa amaanay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka Khawaarijta, ku biirista Bulshada Bariga Afrika.

Sidoo kale wuxuu dowladda ku bogaadiyay dadaalkii horseeday qaadista cunaqabateynta iyo qodobo kale, isaga oo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay garab siisay Burund xili adag.

Safarkan ayaa qeyb ka ah safaro dibada ah oo madaxweynaha uu ku marayo qaar kamid dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya, isagoo shalay gaaray dalka Uganda, halkaasi oo kulamo xasaasi ah uu kulama yeeshay dhiggiisa Museveni