Dhuusamareeb -5-Aug-2023
Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa gaaray caasimada dowlad-goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb si uu hogaamiyo dagaal k犀利士 a dhan argagaixsada Alshabaab oo gobolada dhexe wali kaga sugan dhowr Magaalo
Madaxweyanaha ayaa waxaa sii diirran ugu soo dhaweeyey Dhuusamareeb Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Kuxigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid, Guddoonka iyo XIldhibaannada Golaha Wakiillada Galmudug, iyadoo qorshaha Madaxweynuhu uu yahay in uu halkaas ugu shaqeeyo si kumeel-gaarka ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey bulshada iyo maamulka Galmudug sida ay ugu midoobeen garab istaagga ciidamada naftood hureyaasha ah ee u istaagay cirib-tirka Khawaarijta, waxa uuna sheegay in la joogo wakhtigii laga miro-dhalin lahaa halganka xoreynta ee ka socda deegaannada Galmudug.
Socdaalka Madaxweyne Xasan shiikh ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa yimid iyadoo maanta magaaladaas lagu soo bandhigay ciidamo deegaan ah oo qeyb ka ah ka xoreeynta Argagixisada Alshabaab magaalooyinka ay ugu facweyn tahay Degmada Ceelbuur
Dagmooyinka Ceelgaras, Ceelbuur Iyo Galhareeri iyo deeganada hoos taga ayaa mudo dheer ku jiray gacanta argagixisada oo dadka deegaanadaas kula kacay tacadiyo kala duwan
Lakiin tan iyo markii Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud dib loogu doortay mar kale xaafiiska bishii May ee sanadii hore kooxda xagjirka ah waxay la kulmeen jab weeyn oo dowlada iyo dadweyne taageeraya ay kaga xoreeyeen dhul balaaran
Sidoo kale, Safarka Madaxweynaha ayaa ku saleysan dhammeystirka dagaalka looga xoreynayo khawaarijta Al shabaab deegaannada Galmudug, iyadoo uu xoogga saari doona kormeerka furumaha dagaalka, abaabulka bulshada iyo dhiiragelinta ciidamada naftooda u huraya xoreynta Qaranka.