10″ February “2023
Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqasho ku jooga dalka Talyaaniga ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey kulan dadweyne oo ka dhacay Jaamacadda LUISS Guido Carli ee magaalada壯陽藥 Rome. Dheeho.com
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadiisa ku xusay xiriirka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Talyaaniga, dagaalka dowladda iyo shacabka soomaaliyeed ee ku wajahan ciribtirka Khawaarijta.
Madaxweynaha ayaa is dultaagay qorshaha dowladda ee wax ka qabashada caqabadaha ka dhashay amni-darrada iyo colaadaha & Fursadaha Maalgashi ee ka jira dalka
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo hadalqaaday muhiimadda ay leedahay in loo midoobo dabar-goynta kooxaha Argagixisada ah si loo xaqiijiyo duni nabdoon, horumarsan, caddaalad ah isla markaana si siman oo loo dhanyahay u wadaagta fursadaha jira.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay sii xoojinta xiriirka qotada dheer ee labada dowladood iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Talyaaniga iyada oo la iska kaashanayo dhinacyada amniga, xasilloonida iyo abuuridda jawi horumar guud oo dhan walba ah, si waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka Soomaaliya.