Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa ku dhaliilay Ganacsatada Soomaaliyeed inay ka gaabiyeen doorkooda ku aadan

29- August-2023

Madaxwenaha Somalia oo argagixisada ku canaantay cadowtinimo fogaatay ooy u qabaan dalka, diinta iyo dadka soomaaliyeed ayaa ku dhaliilay Ganacsatada inay ka gaabiyeen doorkooda ku aadan wax ka qabasha duruufaha qalafsan ee ka jira deegaanada argagixisada laga saaray”

Isaga oo ka hadlayay magaalada Dhuusamareeb gabagabada munaasabada xiritaanka shirka 7 -aad ee Golaha wadatashiga qaran Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxa uu bogaadiyay guulaha laga garaay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta alshabaab oo laga riixay deegaano badan tan iyo markii uu bilaabay sanad ka hor ololaha looga xo犀利士 reynayo dalka ka dib markii dib loogu doortay talada wadanka bartamihii bishii May ee 2022 -dii

Madaxweyne Xasan Shiikh oo dhaxlay dowlad duruufo adag oo Abaaro, Musuq-maasuq iyo Amnidaro baahsan dhexda uga jirta Isamarkaana aan diyaar u aheyn inay wax ka qabato xaaladaha sii xumaanayay, ayaa horey u qaaday dalka Isaga oo doonaya in uu ka talaabiyo Marxaladii dowladnimada ku xumaa ee maamulkii Farmaajo

Madaxweynaha Somalia ayaa xalay la muusooday kalsoonida u gashay dadkiisa inay maanta yihiin inay yihiin kuwo u diyaar ah inay iska celiyaan cadowga Alshabaab oo la haray haray wax kasta oo horumar ah oo ku talaabsan lahaayeen bulshooyinka dhulka ay somalia ka joogaan Argagixisada ,Xili wadanku si uu uga baxo saboolnimada isu diyaarinayo ku biiritaanka suuqa dhaqaalaha bulshada bariga Africa we EAC

Leave a Reply