Madaxweyne Xasan Shiikh oo baaq u diray shacabka ku nool deegaannada ay heystaan Al-shabaab ka hor intii uusa u safrin dalka Kenya

12″ September “2022”

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka ku sugan goobaha ay ka taliyaan Al-shabaab in ay isaga fogaan howlgallada ka wada壯陽藥 an Ciidanka Dowladda iyo dadka deegaanka.

Madaxweyne Xasan oo khudbad jeedayay gaba gabada kulanka Golaha Wadatshiga qaran ayaa sheegay in meel fiican marayaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Gobolada dalka.

“Cid kasta oo Shabaab ah waa hadaf  ‘bartilmaameed’ , sida ay shacabka hadaf ugu yihiin, dagaalka shabaab ha ku dhimanin adiga oo aan ka mid ahayn, ka fogaada” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xilli dhowaan weerar ay Ciidanka Booliiska Gaarka ah ka fuliyeen deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellada Hoose ku dileen Sarkaal iyo xubno ka tirsan Al-shabaab, isla markaasna la soo wariyay in khasaare ka soo gaaray dad rayid ah oo xilligaasi ku sugnaa goob Shabaabku ku arruuriyaan lacagaha

Madaxweyne Xasan Shiikh Ayaa u ambabaxay dalka Kenya oo uu kaga Qaybgalayo caleemo saarka madaxweynaha la doortay ee William Ruto

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa caawa ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyaga oo u safray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa berri ka qeyb galaya caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto oo 9-kii bishaan lagu doortay Doorasho dalkaasi ka dhacday.

Caleema saarka berri ayaa laga darreemaya magaalada Nairobi, iyada oo ay ka soo qeyb gali doonaan Madax ka kala socota wadamada Afrika iyo caalamka kale.

Leave a Reply