Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Djibouti Kula Kulmay Wasiirka Difaaca Maraykanka Lloyd Austin

Djibouti-Sept-24, 2023

Madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud, Iyo Xoghayaha difaaca dalka Mareykanka, Lloyd Austin aya Isla soo qaaday lagama maarmaanimada in la helo Iskaashi caalami ah oo looga hortago khatarta Amni ee Argagixisdu ku heyso nabada gobolka gaar,ahaan Somalia

Madaxweynaha Somalia iyo wasiirka gaashaandhiga Maraykanka oo Ku kulmay dalka Djibouti ayaa ka wada hadlay dagaalka Somalia looga ciribtirayo argagixisada iyo dardargelinta taageerada Mareykanka uu siiyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka, Lloyd Austin dadaallada naf-hurnimada leh ee shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamada qalabka sida ay uga xoreynayaan argagixisada deegaannada dalka iyo in la soo koobay goobaha ay dalka kaga sugan yihiin, kooxda xiriirka la leh ururka Alqaacida.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo xagjirnimada rabshadaha wata ee kooxda Alshabaab ku tilmaamay caqabad ku horgudban horumarka ayaa Isdultaagay lagama maarmaanimada in la helo Iskaashi caalami ah oo looga hortago khatarta Amni ee Argagixisdu ku heyso nabada gobolka gaar,ahaan Somalia

Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka, Lloyd Austin oo booqashadiisa Africa ka bilaabay dalka Djibouti’ ayaa dhankiisa bogaadiyay horumarka ay dowladda Soomaaliya ka sameysay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, isagoo tilmaamay sida dowladda Mareykanka ay uga go’an tahay in dowladda Soomaaliya ay ka caawiso sugidda amniga iyo la dagaalanka argagixisada.

Leave a Reply