Madaxweyne Xasan Shiikh oo gaaray dalka Mareykanka

15″ September “2022”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa hadda ka degay magaalada Washington D.C. ee dalka Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa halkaas kulamo kula yeela doona madax sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka.

Wafdi Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka qeyb gali doonaan meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey