-1-July-2023- Muqdisho
32-sano kadib ayaa markii ugu horeysay si weyn oo shar leh ooy ka qeybqaadanayaan dadweynaha soomaaliyeed waxaa loo maamuusay 63-sano guuradii kasoo wareegatay markii Soomaaliya ay madaxbanaanideeda ka qaadatay Talyaaniga iyo Ingiriiska 1 July 1960
Xasan shiikh oo Garoonka Muqdisho Stadium kula hadlay dadweyne farabadan munaasabad lagu maamuusayay maalinta xoriyada Somalia ee 1-da July ayaa ka sheekayay taariiqda halgankii soomaalidu u gashay hanashada qaranimadeeda oo 63 sano haatan laga joogo markii uu dalku madaxbanaanidiisa ka qaatay Ingiriiska iyo Talyaaniga
Madaxweynaha JFS Xasan Sheikh Maxamud, Ra’isul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiiro ka tirsan XFS, Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida, iyo kumanaan dadweyna ah ayaa isugu soo baxay garoonka cayaaraha ee Muqdisho Stadium.
Madaxda iyo shacabka ayaa ka qeyb galay Munaasabad lagu maamusayay xuska 63-sano guuradii kasoo wareegatay xiligii ay gobolada Koonfureed 犀利士 ee Soomaaliya Xorriyada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga islamarkaana ku asteesan Midowga Gobolada Waqooyi iyo Koonfur
1-da Luuliyo oo ah maalin qiima badan oo ku weyn quluubta Malaayiinta ummada Soomaaliyeed, ayaa munaasabad maalintaan lagu weyneynayay lagu qabtay Garoonka Stadium Muqdisho halkaas oo ay ka dhacday tartan kubada cagta ah oo u dhaxeeyay kooxaha Muqdisho City iyo FC, Horseed.