Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka qeyb galay Salaada Janaasada ee marxuum prof Cabdullaahi maxamed Shirwac

29″ May”2022″ Muqdisho

Ilaahay ha u naxariistee waxaa xaley goor dambe magaalada Muqdisho ku geeriyoodey Prof Cabdullahi M. Shirwac oo muddo ka badan 30 sano kasoo shaqeeyey horumarinta xuquuqul inksaanka iyo hawlaha nabadaynta ee Soomaaliya.

Prof Shirwac, Waxuu ka mid ahaa hoggaamiyaashii ururadda bulshada rayidka ee Muqdisho, waxuuna marar badan hoggaamiyey shirar Nabadeed oo qaarkood ay ka dhaceen gobolada kala duwan ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mas’uuliyiin iyo dadweyne kala duwan ayaa ka qayb galay tukashada salaadda janaasada meydka marxuumka ee masjidka Isbahaysiga ooku yaalla magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac uu ahaa Halyeey wakhti badan soo galiyay samafalka, isku xidhka, dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed, isaga oo si gaar ah u xusay doorkii wanaagsanaa ee uu kulahaa nabadaynta caasimadda Muqdisho.

Marxuum samafale Cabdullaahi Maxamed Shirwac ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, halkaas uu ku xanuunsanaa maalmihii lasoo dhaafay.

Masuuliyiinta ka qeeyn ka gashay Saalada Janaasada Marxuum Cabdullaahi maxamad Shirwac Ayaa Alle waxa ay uga baryeen in uu jannadii Firdows ugu deeqo Shirwac oo ka mid ahaa dadkii sida weyn uga soo shaqeeyay nabadeynta dalka iyo u adeegidda  bulshada xilliyadii adkaa ee dalku soo maray.

Leave a Reply