Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa u magacaabay Xamza Cabdi Bare ra’iisul wasaaraha cusub ee J/F/S

15″ June “2022” Muqdisho

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliy, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaweyd ku dhowaaqay ra’iisul-wasaaraha cusub ee Soomaaliya, ka dib shir jaraa’id oo uu ku qabtay Madaxtooyadda.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ra’iisul-wasaare u magacaabay Xamse Cabdi Barre.

Ra’iisul-wasaare Xamse ayaa magacaabistiisa kaddib sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xilka loo magacaabay, isagoo sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo dalkana nabad ku soo dabaasha, waxna ka qabata Amni darrada.

Madaxweynaha Puntland oo u hambalyeeyay Ra’iisal Wasaaraha Cusub ee JFS

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hambalyo u diray Xamze Cabdi Barre oo loo magacaabay Ra’iisal Wasaaraha 21-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

“Waxaan hambalyo iyo boggaadin u diraya Xildhibaan Xamze Cabdi Barre oo Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, u magacaabay Ra’iisal Wasaaraaha Xukuumadda JFS”  Ayuu yiri Mudane Siciid Cabdullaahi Deni

DHNACA KALE” Madaxweyne Xasan Shiikh oo kulmay Wakiilada Beesha Caalamka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen xoojinta taageerada muhiimka ah ee ay siiyaan Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa soo xaaladda binu aadannimo ee ka dhalatay abaaraha ka jira dalka, isagoo xusay dadaalka iyo abaabulka gurmad ee dowladdu ay ku bixinayso la tacaalidda xaaladdaas adag, waxa uuna ka codsaday beesha Caalamka in ay doorkooda ka qaataan samatabixinta dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey Wakiillada Beesha Caalamka muhiimadda safarkii uu dhawaan ku tagay qaar ka mid ah dowlad Goboleedyada dalka, kaas oo ka tarjumaya dadaalkiisa ku aaddan xaqiijinta Soomaali heshiis ah iyo xoojinta wada-shaqeynta heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed.

犀利士 wrapper”>

Dhankooda, Wakiillada Beesha Caalamka oo bogaadiyey dadaallada dib u heshiisiinta iyo gurmadka abaaraha ayaa soo dhaweeyey qabsoomidda Shirkii Wadatashiga Qaran ee dhawaan ku soo gaba-gaboobay Villa Soomaaliya iyo warmurtiyeedkii ka soo baxay oo dhaqan-gelkiisu uu muhiim u yahay dowlad dhiska iyo horumarka dalka.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa sheegay in ay kordhinayaan taageerada ay dowladda Soomaaliya la garab taagan yihiin, gaar ahaan ammaanka, arrimaha binu aadannimada, dib u heshiisiinta iyo dhismaha hay’adaha dowladnimada.

Leave a Reply