Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay Ra’iisul wasaare Rooble oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho

23″ May”2022″ Muqdisho

R’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho ugu tagay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo maanta xafiiska la wareegay, kadib munaasabad heerkeedu sarreeyo oo ka dhacday Madaxtooyada Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa warbixin ka siiyay socdaalkii uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta iyo habsami u socodka howlaha xukuumadda Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Rooble oo dalka dib ugu soo laabtay.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib socdaal 4 cisho qaatay oo uu ku tagay dalka isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu uga qeyb galay tacsida madaxweynihii geeriyooday ee Imaaraadka Carabta Allaha u naxariistee Sheikh Khalifa Bin Zayid.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble intii uu joogay Imaaraadka, waxa uu magaalada Abu Dhabi kula kulmay madaxweynaha Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayid oo uu uga tacsiyeeyay geerida madaxweynihii hore Sheikh Khalifa, sidoo kalena u rajeeyay in uu Eebbe ku guuleeyo mas’uuliyadda loo doortay ee hoggaaminta dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Sheikh Maxamed Bin Zayid gaarsiiyay dhambaal tacsi, salaan iyo hambalyo ah oo uu uga siday madaxweynaha dalka Xasan Sheikh Maxamuud.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu犀利士 uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka Carabta sida ay u garab istaagtay Soomaaliya xilliyadii adkaa, gaar ahaan gurmadkii ay la soo gaartay dadka Soomaaliyeed ee abaarta ba’ani hayso.

Leave a Reply