10″ June “2022” Muqdisho”
Mashxarad iyo sacab ayaa lagu soo dhaweeyey khudbada madaxweynaha cusub ee uu ku balan qaaday in uu wax ka qaban doono musuq maasuqa, faqriga, amni darada iyo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee halakeeyay Soomaaliya bilihii lasoo dhaafay.
Si kastaba ha ahaatee, waxa uu ka digay roob la’aanta sii socota in ay cawaaqib xun ku yeelan karto dalka. Soomaaliya ayaa si aad ah ugu nugul abaaraha, ayuu yiri Maxamuud, waxaana laga cabsi qabaa in abaartu isu beddesho maclu犀利士 ul. Madaxweynaha ayaa xusay in abaarahan ay hadda dhacaan ku dhawaad sanad walba, wuxuuna sheegay in ay jiraan sababo badan oo ay ka mid yihiin isbedelka cimilada.
Waxa uu soo hadal qaaday ajandihiisa afarta sano ee soo socota, isagoo sheegay inuu mudnaanta siin doono dib u heshiisiinta iyo soo celinta hay’adaha dowladda si shacabka rajo loo geliyo.