Madaxweyne xasan shiiq maxamuud ayaa sheegay in uu culeeyska saarayo sidii uu wax uga qaban lahaa “Shaqo la’aan baahsan oo uu dareemay in ay dalka ka jirto

27″ May,” 2022″ Radiokulmiye ” Muqdisho

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa壯陽藥 shaaciyey qorshihiisa horumarinta dhallinyarada, kaasoo xoogga saaraya abuuridda fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo dowladda.

Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu ay siindoonto hortebinta koowaad Hindisaha Shaqo Abuurka Qaran, si dhallinyaradu ay door weyn uga qaataan qorsheyaasha Qaran ee dib-u-dhiska dalka, kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo xoraynta dalkeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, “Shaqo la’aanta baahsan ee jirta waxay saamayn taban ku yeelatay amniga, dhaqan-dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo horumarka guud ee dalka. Si arrimahaas wax looga qabto, waa inaan ka faa’iideysannaa aqoonta dhallinyarada iyo hal abuurkooda cilmiga ku dhisan”.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waxa ay shacabka ka yihiin in ka badan 70%. Waxa ay aasaas u yihiin dowladnimada, dhaqaalaha dalka iyo horumarinta arrimaha bulshada. si aan u gaarno isku filnaansho buuxa waxaan ku dhawaaqayaa madal ay dhalinyarada Soomaaliyeed ku wadaagaan hal abuurkooda iyo horumarinta dowladdooda.”

Madaxweynaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dowladda kala shaqeeyaan kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dalka, isagoo dadka Soomaaliyeed ku dhiirrigeliyey in ay hormuud u noqdaan hal-abuurka iyo hirgelinta qorsheyaasha kobcinta dhaqaalaha dalka, si xal waara loogu helo caqabadaha waaweyn ee haysta dalkeenna iyo dadkeenna.

Leave a Reply