20″ May”2022″ Muqdisho”
Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dabkii ka kacay suuqa Isgoyska Banaadir
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xanuunka la qeybsaday dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay dabkii xalay ka kacay goobaha ganacsi ee isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.
“Waxa aan xannuunka iyo dhibka la Wadaagayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee hantidoodii ku gubatay dabkii xalay ka kacay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho kuna fiday goobaha ganacsi ee u dhow Musiibada dabku waa mid kamid ah arrimaha nooga wada baahan maareynta, Insha Allaahu xilligeeda iyo xalkeeda waannu gaari doonaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in musiibada dabka tahay dhibaato u baahan in wadajir looga shaqeeyo maareynteeda, waxaana uu tilmaamay in ay ka shaqaynayaan sidii xal loogu heli lahaa.
RW Rooble oo ka hadlay Dabkii ka kacay Isgoyska Banaadir
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay dabkii xalay ka kacay Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu murugada la qeybsanayo ganacsatada ku Hanti beeshay halkaasi.
Ra’iisul wasaare Rooble oo qoraal kooban ku daabacay Boggiisa Facebook ayaa u rajeeyay Ganacsatada ku hanti beeshay dabka in uu ilaahey ugu deeqo Badal kheyr leh
“Waxaan murugada iyo xanuunka la qeybsanayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee uu hantidoodii burburiyay dabkii caawa ka kacay isgoyska Banaadir iyo darafyadiisa. Waxaan Alle uga baryayaa baddel khayr leh” ayuu yiri Rooble.
Dab muddo saacada ah socday ayaa ayaa xalay ka kacay Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, iyada oo ugu dambeyn Shaqaalaha Gurmadka deg dega ay ku damiyeen.
Dab-damis kala duwan iyo Ciidamada Ammaanka ayaa soo gaaray Goobta oo dabka kacay oo inta badan ay ku yaallaan xarrrumo ganacsi oo u badan Dukaano, Carwooyin iyo Makiinado lagu shiido Saliid Macsarada.