Madaxweynihii hore ee Somalia oo fariin gaar Ah u diray Hay’addaha Ammaanka

21″ February 2022″ Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ka hadlay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle.

Sheek犀利士 h Shariif ayaa marka hore tacsi u diray dhammaan ehelada dadkii isugu jiray shacabka iyo mas’uuliyiinta ee ku dhintay qaraxii lala beegsaday, wuxuuna Alle Caafimaad uga baryay inuu siiyo dadkii dhaawacmay oo xaaladdooda la dabiibayo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay inuu aad uga xun yahay qaraxyada lala beegsado goobaha ay isugu yimaadan bulshada, isagoona laamaha amniga dalka inay xoojiyaan amniga dalka gaar ahaan magaalooyinka ay socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka.

“Aad baan ugu xumahay qaraxyada argagixisadu la beegsanayaan goobaha bulshada, waxaan ugu baaqayaa hey’adaha Amniga dalka meel walba oo ay joogaan xiligan inay xoojiyaan xaqiijinta Amniga guud ahaan, gaar ahaan magaalooyinka doorashooyinka ka socdaan” ayuu yiri Sheekh Shariif oo ah Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta..

Inta la xaqiijiyay 13 qof ayaa ku dhintay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Maqaayada Xasan Dhiif ee ku taalla Magaalada Baladweyne, 30 qof kalena waxaa ay ku dhaawacmeen qaraxa, Al-shabaabna ayaa sheegatay mas’uuliyadiisa qaraxaas dhacay…

Leave a Reply