Maddaxweyne Xasan Sheekh Oo Ugu Hambalyeeyay Ciidamada Xoogga dalka Maalinta 12_ka April oo Ku aadan Sanadguurada 64 aad ee Aasaaskii

Mugdisho, Abriil 12, 2024:

壯陽藥

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Hambalyo u diray Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Maalinta 12_ka April oo Ku aadan Sanadguurada 6⁴ ee Aasaaskii militariga Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda sannaD guurada 64-aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay in qaadista cunaqabataynta hubka oo dowladdu ay dadaal ku bixisay ay horseedi doonto qalabaynta, tayeynta iyo xoojinta cududda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayna ka soo kaban doonaan, haddii Alle idmo, dhaawacii ka soo gaaray burburkii dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay muhiimadda weyn ee qarankeenna ay u leedahay ciidan awood leh oo si buuxda u hanta sugidda amniga iyo xuduudaha dalka, kana difaaca dadkeenna khatar kasta oo cadowgu ay soo maleegaan.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryey naxariistiisa Janno dhammaan geesiyaasha Ciidamada Xoogga Dalka ee u shahiiday iyagoo difaacaya dalkooda, waxa uuna bogaadiyey nafhurnimada ay ku xoreeyeen deegaanno badan oo argagixiaadu ay ku dhibaateynayeen dadkeenna Soomaaliyeed.