Magaalada laascaanood ayaa maanta xasiloon oo aaney jirin wax dagaal ama iska horimaad halkaas ka dhacay iyadoo uu hakad ku yimid

16″ February “2023

Magaalada laascaanood ayaa maanta xasiloon oo aaney jirin wax dagaal iyo iska horimaadbah iyadoo uu hakad ku yimid qorshe maamulka muuse biixi ay odoyaal dhaqan ugu diri lahaayeen laascaanood

waxa  uu hakad ku yimid wakhtigii ladoonayay inay tagaan ergo ka kooban madax dhaqameedka Somaliland oo la rabay inay ergo ahaan ugu tagaan bahda dhaqanka beesha Dhulbahante si loo xaliyo dhibaatada uu ka dhashay dagaalkii maalmihii ugu dambeeyay ka socday Laascaanood ee sababay dhimashada iyo dhaawaca iyo sidoo kale barakaca shacabka kunool magaalada Laascaanood.

Hakadkan ayaa yimid sida xoguhu sheegayaan kadib markii madax- dhaqameedkii ka socday beesha Garxajis ay sheegeen inayna raacayn ergada loodiray nabada Laascaanood, iyago oo beesha Garxajis ku dooday in markii xukuumada Muuse ku laysay shacabkii ka soo jeeday beesha Garxajis mudaharaadkii ay Hargaysa iyo Burco ka sameeyeen ee ku saabsanaa arimaha doorashooyinka aanay cidna arinkaasi kala hadal.

犀利士 der-twitter wp-block-embed-twitter”>

Muuse Biixi oo ka hadlay hakadka ku yimid ergada ayaa sheegay in ay ahayd in ergadu manta baxdo balse cid aanu magacdhabin ayuu sheegay inay shuruud ku xidheen, sidaa daraadeedna ay maalinta Sabtida ah bixi doonaan “Maanta waxay ahayd In Madax dhaqameedku u baxaan nabadda Laascaanood waxaa hakiyay wax aynaan filayn, Waxa shuruud ku xidhay nin dan leh Maantana maahan maalin nabada dan gaara laga horaysiiyo”.  Ayuu Muuse Biixi oo ka hadlay hakadka kuyimid ergada.

Isku soowada duuboo arin lagu dhamayn karayay wadahadalkan oo kale maxay tahay sababta ay ugu dhinteen dadbadan oo bulshada Somaliland qiimo ulahaa?

Leave a Reply