Dadweynaha Magaalooyinka Boorame iyo Ceel afweyn oo calanka Somalia kor u qaaday

5″ February” 2023

Magaalo ka tirsan gobolka sanaag oo calanka Somalia kor u qaaday Iyadoo warbaahinta Somaliland ay leeyihiin Habar jeclo oo la soo baxday calanka Somalia Dheeho.com

Dad ka careysan Dil ay geysteen Ciidanka Somaliland ayaa Banaanbax ka dhigay degmada Ceel-Afweyn oo ka tirsan gobolka Sanaag kuwaas oo kor qaadaya calanka jamuuriyada somalia iyada oo ay sii kordheyso carada dadka ku hoos jira cadadiska maamulka Muuse Biixi oo laga dareemay Magaalada Boorama ee Gobolka Owdal, halkaas ooy ka bilaabatay Kacdoon Ka dhan Ah Somaliland

Dhinaca kale Xildhibaanno laga soo doorto gobolka Sanaag oo maanta Warbahainta Hargeysa kula hadlay ayaa sheegay in dilalka ka dhacaya degmada Ceel-afweyn ay yihiin kuwo qorshaysan oo shacabka lagu dhibayo.

Duqeeyda dadkii kor u qaaday calanka somalia ee magaalda Laascaanood ayaan wali wax war ah ka soo bixin shirka ay ku
Leeyhiin caasimada gobolka Sool oo rabshado xiriir ahaa ay keentay in laga saaro ciidamada Maamulka Muuse Biixi

Mudaharaadka kadib dad gadoodsan iyo Ciidamada Booliska ayaa isku dhacay, waxana la maqlayaa rasaas Ciidamadu ridayaan.

Leave a Reply