10″ June ” 2021″ Thursday ”
Shirkadda Lo’-qalka ee JBS ayaa lagu amray inay 300 oo Shaqaale Muslimiin Soomaali ah siiyaan Magdhow Lacageed oo dhan 5.5 million oo Dollar, kadib, markii ay Shaqaalahaasi oo ah Muslimiin, Muhjaariin Soomaali oo madow ah lagu kacay Cunsuriyad iyo Takoor Diimeed.
Sida laga soo xigtay Faylka Dacwadaasi oo la gudbiyey sanadkii 2010-kii, waxaa Tacadiga Shaqaalahasi loogu geystay Faraca Shirkadda JBS ku leedahay magaalladda Greeley ee Gobalka Kolarado ee dalka Maraykanka.
Shaqaalaha Muslimiinta waxaa loo diiday inay helaan goob ay ku tukan karaan, kuna cibaadaysan karaan.
Guddiga Federalka Maraykanka ee Sinaanta Fursadaha Shaqo (EEOC) waxay sheegeen inaysan Maamulka Shirkadda Lo’-qalka ee JBS u oggolaaninj Shaqaalaha Muslimiinta inay Tukadaan sida ay Diintooda Islaamka farayso, isla markaana shaqaalaha la dhjibaateeyo, marka ay doonayaan inay xilliga yar ee nasashada ku tukadaan.
Guddiga waxay Warbixintooda ku sheegeen in Shaqaalaha Soomaalida loola dhaqmo si ka duwan Shaqaalaha kale ee kala shaqeeya Shirkadda.
Dacwadda waxaa kaloo lagu eedeeyey Shirkadda JBS inay Shaqaalaha Muslimiinta ka xireen Tubooyinka inta lag guda-jirey bisha Barakaysan ee Ramadaan ee sanadkii 2008-dii, lagana hor-istaagay inay biyo cabaan marka ay afuri rabaan.
Dhinaca kale, Dukumentiyada loo gudbiyey Maxkamadda waxaa kaloo lagu muuiyey inay ireen Nacayb Soomaalinimo, Musliminiinta iyo Madowga, iyadoo Erayo faquuq ah loogu qoray guryaha ay Shaqaalaha ku nastaan.
Shaqaale badan oo Soomaali ahj ayaa waxay ka shajqo bilaabeen Faraca Shirkadda Lo’-qalka ee magaalladda Greeley, kadib, Hawlgal ay Hay’adda Maraykanka ee Socdaalka iyo Xoojinta Sharciga ee ICE sanadkii 2006-dii ku xirtay 270 shaqaale asalkooda ah Spanish.
Si kastaba ha ahaatee, Shirkadda Lo’-qalka ee JBS waa Shirkadda labaad ee ugu weyn dalka Maraykanka ee soo-saarista Hilibka Lo’da, Digaag iyo Doofaarka ama Qaansiirka.