Mahdi Guuleed;”oo shaaciyay waqtiga la qabanayo Doorashada Aqalka Sare Somaliland


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

Sunday ” 12 Sep 2021″Muqdisho

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in toddobaadka soo socda la bilaabi doono doorashada xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi (Somaliland).

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa warkan sheegay kadib markii maanta uu Ra’iisul Wasaare Rooble kulan looga hadlayay qabashada doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi uu la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi , Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed iyo Guddiga doorashooyinka Somaliland

Kulankan ayaa waxa uu Ra’iisul Wasaaraha ka dalbaday Mas’uuliyiinta Gobolada Waqooyi iyo Guddiga doorashada inay dardar geliyaan doorashada Aqalka Sare, si daah furan loo qabto.

Doorashada Aqalka Sare ayaa dhawaan waxaa la shaaciyay in ay ku eg tahay qabashadeeda 18ka bishan oo hadda ay ka dhiman tahay lix cisho.

Leave a Reply