Bakool ” October ” 20″ 2021″ Radiomuqdisho
Uruurka 260, Guutada 9 aad, Qeybt壯陽藥 a 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa, ay gurmad u fidiyeen kolanyo Safar Gaari dameero ah oo Argagaxisada Al shabaab ay kugubeen duleedka Degmada Waajid ee gobalka Bakool.

Markii Ciidamada Xooga ay gaareen halkii ay ku dhibateeynayeen argagixisada , ayaa waxaa halkaas ka dhacay Dagaal udhaxeeyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo maleeshiyaadka arxan laawasha ah ee Al shabaab, halkaas oo jab xooggan looga geystay maleeshiyaadka Argagaxisada.

Gaari dameeradan la gubay oo ay wateen dad Shacab ah ayaa Raashin u waday degmada Waajid ee gobolka Bakool argagixisada Al shabab ay go’doomiyeen.
