1- September-2023
Maleeshiyooyinka Alshabaab ayaa bilaabay in si aan horey u dhicin ay isugu soo dhiibaan dowlada iyadoo ay sii kordhayaan cadaadska ciidamada dowlada ay ku hayaan kooxda oo laga la wareegay magaalooyin badan tan iyo markii meesha laga saaray maamulkii Farmaajo
Inka badan 200 oo dagaalamayaal iyo horjoogayaal ka tirsanaa argagixisada alshabaab ah ayaa isu soo dhiibay ciidamada dowlada Somalia 10 kii casho ee u danbeeysay sidaas waxaa yiri Agaasimaha Xarunta Qaran ee Tubsan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ciidamada qaranka la wadaagay tiradan
Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya oo hadda ah la-taliye ka tirsan xafiiska Madaxweynaha dalka, oo ciidanka kula hadashay furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegay in horjoogayaasha iyo dagaalameyaasha Al-Shabaab kasoo goostay 10-kii cisho ee u dambeysay ay ka badan yihiin 200 oo qof, sida uu sheegay Isaga oo yir”
“Intii aad howlgalkaan ku jirteen 10-kii cisho ee u dambeysay, waxaa iska soo dhiibay oo ka soo baxsaday Khawaarijta dhalinyaro aad u badan oo 200 ka badan,” ayuu yiri.
Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa intaas ku sii daray in hoggaamiyeyaashii kooxda ay bilaabeen inay isisoo dhiibaan, maadaama aysan jirin sabab ay u sii dagaalamaan.
Wuxuu sidoo kale ciidanka ugu laab qaboojiyey inay Shabaab jabeen oo sidii hore ay wax badan ka niyad xunyihiin, taas oo macquul ka dhigeysa inay is wada dhiibaan, hadii lagu sii wado dagaalka.
“Dadka aad la dagaalameysaan ma garanayaan waxa ay ku dagaalamayaan oo waa ogyihiin inay ku socdaan wado qaldan, kuwii ugu sareeyey oo is dhiibaya ayaad idaacadaha ka aragteen, raggaas carruurta islaameed qaldaya waxay carruurtooda u diyaariyeen nolol wanaagsan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Agaasimaha xarunta犀利士 Tubsan
Sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay in xafiiskiisa uu waajib ka saaran yahay in qof kasta oo la xaqiijiyo inuu ka soo haray fikirkii Khawaarijta ay u sameeyaan dhaqancelin, si loogu soo celiyo bulshada isagoo badqaba.
“Waajibka na saaran, diinteena suubana ay na fareyso waa in qofkii ka soo hara fikirkaas oo cadeeya in la qaldan aan dhaqan celino, fursado wanaagsan ayuu heli doonaa qofkii soo doonta cafiska loo fidiyey,” ayuu yiri Cabdullahi Maxamed Nuur.