Ciidanka dowladda ayaa ku guuleystay in ay kala dhex galaan laba Malleyshiyo beeled oo ku dagaalamay Degaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug, waxaana la soo sheeegayaa in Ciidanku ay kala qaadeen dhinacyadii is hor-fadhiyay.
Deegaanka Aruuris oo dhaca duleedka bari ee Deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka dhacay dagaal dhimasho iyo dhaawac gaystay, waxaana hadda lagu soo warramayaa in Ciidamada Nabad sugidda iyo Sirdoonka qaranka Qaybtooda ka howlgasha degaannada Galmudug ay ku guuleysteen kaal qaadidda malleyshiyadaas dagaalamay.
Dagaalka ayaa waxaa uu salka ku hahay dhul daaqsimeed iyo aanooyin qabiil, waxaana dadka dagaalaamya ay yihiin beelo walaalo ah oo Gobolkaas dega, waxaana saraakiisha Ciidanka Dowladda ee ku sugan Galgaduud ay sheegeen in ay xalin doonaan dagaaladaas, iyagoo kulammo la leh Odayaasha dhaqanka iyo waxgaardka beeelahaas.
Galgaduud ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaal beeleedyada, iyadoo inta badan ay ka dhashaan khasaare kala duwan oo Naf iyo Maalba leh, waxaana maamulka Galmudug iyo Saraakiisha Ciidanka dowladda ee ku sugan Goblakaas ay sheegaan in ay wax ka qaban doonaan dagaal Beeleedyada kusoo noq-noqda degaanada Galmudug gaaar ahaan Gobolka Galgaduud.