7″ December “2022,” Aljazeera”
Mamnuucid sii balaaraneeysa ayay wajahayaan gabdhaha Afghanistan oo Malaayiin ka mid ah lagu qasbay inay ka shaqeeyaan guryaha kadib markii Iskuul犀利士 ada laga reebay Dheeho.com
Gabdhaha dugsiyada sare ee Afgaanistaan kuma ay soo laaban iskuulladoodii tan iyo markii Taliban ay dib ula wareegtay talada bishii Ogosto ee sanadii la soo dhaafay.
Hogaamiyaasha cusub ee Afghanistan ayaa markii hore balan qaaday xuquuqda haweenka laakiin si tartiib tartiib ah ayey u balaariyeen xaddidaadaha xoriyada haweenka 15-kii bilood ee la soo dhaafay.
Malaayiin dumar ah oo reer Afgaanistaan ah ayaa lagu xayiray guryahooda, waxaana lagu qasbay in ay maalmahooda ku qaataan ka shaqeynta beeraha, tolitaanka roogagga, iyo qabashada shaqada guriga.
Hay’adda Save the Children oo soo diyaarisay qoraalkan sawirka ah ee laga soo qaaday guud ahaan dalka Afgaanistaan, ayaa ugu baaqday Talibanka inay u oggolaadaan gabdhaha da’ kasta leh inay ku laabtaan waxbarashada.
Maalinka ka hor arbacada maanta ah maamulka Taliban waxay u ogolaadeen gabdhaha Afgaanistaan inay galaan imtixaanada qalin-jabinta dugsiyada sare oo todobaadkan dhacay Iyaga oo aan u ogolaanin inay gabdhuhu galaan fasalada in ka badan hal sano.
“Ma jirto arrin – maamul, saadka ama si kale – taas oo suurtogal ah in ay marmarsiiyo u noqon karto sii wadida siyaasadda u diidaysa gabdhaha inay helaan waxbarashadooda,” NGO-ga caalamiga ah ayaa lagu yiri bayaan.
“Haddii aysan jirin waxbarasho oo xaaladdu ay sii socoto, jiilka gabdhaha ayaa wajihi doona mustaqbal mugdi ah mana heli doonaan wax xuquuq ah,” Lima, 16, ayaa tiri.
Taalibaan ayaa gabdhaha ka sareeya fasalka lixaad ooy u badan tahay in soo gaareen ama ku dhawaadeen heerka qaangaar -ka dumarka Muslims ah waxa ay ka mamamnuucday in ay aadaan iskuulada ka dib markii ay ku soo laabteen xukunka ooy 20 sano ugu jireen kacdoon hubeysan
Gabdhaha Afgaanistaan ayaa hadda u baqaya mustaqbalkooda maadaama qaar badan oo iyaga ka mid ah laga dhigay Ardayd loo badelay shaqaale carruur ah.
Saynab*, oo 16 jir ah, waxay ku xidhan tahay gurigeeda, laguna qasbay inay qabato shaqada guriga, sida maydhista weelka iyo quudinta digaagga. Waxa ay sheegtay in mamnuucida iskuulka ay dareemeyso in lugaheeda iyo gacmaheeda ay ku xiran yihiin xarig oo aysan noqon karin qofka ay rabto inay noqoto.
In ka badan 90 boqolkiiba dadka reer Afgaanistaan ayaa waxaa haleelay faqri tan iyo markii ay Taliban xukunka ku soo laabteen. Iyadoo Cunaqabataynta caalamiga ah iyo go’doominta dublamaasiyadeed ee Taliban ayaa sii xumeeyay xaaladda bini’aadantinimo. []