Mamulka Somaliland ayaa ku raacay Rayslwasaaraha Somalia cambaareyntiisii ku Aadaneyd waxa ka dhacaya Gaza

犀利士

4- November-2023

Mamulka Somaliland ayaa ku raacay Rayslwasaare Xamsa cambaareyntii uu u jeediyay waxa ka dhacaya Gaza Dheeho.com

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo ku biiray kooxda canbaaraynta, ayaa reer galbeedka ku eedeeyey inay gacan ka geysteen xasuuqii Gaza.

Madaxweyne Biixi oo khudbad ka jeediyey xuska sannad-guurada 30-aad ee ka soo wareegtay aasaaska ciidanka Booliska Somaliland, waxa uu reer galbeedka ku eedeeyey inay gacan ka geysteen xasuuqii Gaza.

“Madaxweynaha Mareykanka Biden iyo Raiisel wasaaraha UK Sunak waxay booqdeen Israel si ay u muujiyaan taageero iyo wadajir, aaway cadaaladii, aaway wixii ay noo sharxayeen, maanta, waxaa jira 9,500 dhimasho, 70% dadka dhintay waa caruur iyo haween.” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in Jimcihii oo kaliya 3 isbitaal oo ku yaalla Gaza la duqeeyay oo uu ku jiro mid ay Qaramada Midoobay leedahay, waxaana ku dhintay 200 oo qof, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda ee Mareykanka Blinken uu ku sugnaa Israa’iil.

Madaxweynaha Somaliland oo ka mid ah maamul goboleedyada ka go’ay Waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegay in maanta la soo afjaray dhammaan xuquuqul insaanka oo ay u doodayeen dalalka reer galbeedka, isla markaana aysan jiri doonin.

“Nasiib darro, iyadoo dalalka Carabta ay ku guuldareysteen inay hadlaan halka Koonfur Afrika, oo aan Muslim ahayn, madaxweynahooda iyo baarlamaanku waxay ka hadleen xasuuqa Falastiin,” ayuu yiri Biixi.

Ku dhawaad ​​10,000 oo qof ayaa ku dhintay magaalada Gaza bishii la soo dhaafay sababo la xiriira duqeynta aan loo meel dayin ee Israa’iil taasoo ah aargoosiga weerarkii Xamaas ee 7-dii October oo ay ku dhinteen 1,400 oo qof.

Leave a Reply