27- December-2023
Everton 1-3 Man City
Man City oo dabaal degtay markii Phil Foden uu dhaliyay goolkiisii sagaalaad ee xilli ciyaareedkan
Manchester City ayaa ku qasbanaatay inay gadaal ka soo gasho si ay uga badiso Everton iyadoo kooxda heysata horyaalka ay la talaabsatay hogaamiyayaasha Premier League ee Liverpool.
Kooxda Pep Guardiola ayaa dooneysa inay koobka qaado xilli ciyaareedkii afaraad oo xiriir ah, waxaana ay u muuqatay inay 8 dhibcood ka hooseyso Reds, lakiin waxa ay ka soo kabsadeen seddex gool oo ay dhaliyeen qeybtii danbe ee ciyaarta, iyagoo isku dhiibay kaalinta afaraad ee kala sareynta.
Xaalado cakiran, Everton ayaa soo wajahday duufaan hore oo ka timid City iyadoo Jordan Pickford uu sameeyay badbaadino muhiim ah si uu labo jeer u fashiliyo Julian Alvarez, iyo sidoo kale inuu ka ilaaliyo dadaalkii uu Jack Grealish ku fiday.
Kooxda martida loo ahaa ayaa hogaanka ciyaarta ku qabatay weerarkeedii ugu horeeyay ee macnaha lahaa kadib markii Jack Harrison uu kubad ka soo tuuray meel dhaw, waxaana laga yaabaa inuu gool labaad ka horyimaado kooxdiisii hore laakiin waxaa ka beeniyay goolhaye Ederson oo si cajiib ah u badbaadiyay.
Laakiin City ayaa ugu jawaabtay sidii kooxda heysata horyaalka markii lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta waxaana u dhaliyay Phil Foden, kaasoo kubad ka soo qaatay meel ka baxsan xerada ganaaxa, islamarkaana kubad joog hoose ah uu dhaafiyay goolhaye Pickford.
Chelsea 2 – 1 Crystal Palace
Ciyaaryahan Noni Madueke ayaa daqiiqadii 89-aad ee ciyaarta dhaliyay gool rigoore ah,waxana uu ka caawiyay Chelsea in ay guul ka gaarto Crystal Palace kulan ka dhacay garoonka Stamford Bridge ee horyaalka Premier League.
Kooxda martida loo ahaa ayaa daqiiqadii 13-aad ee ciyaarta u qalantay in ay hogaanka ciyaarta la wareegto kadib shaqo fiican oo uu ka helay Malo Gusto ayaa ku soo idlaaday kubad uu kubad uu ka helay Mykhailo Mudryk uu shabaqa ku hubsaday.
Laakiin Palace ayaa la timid goolka barbaraha markii Michael Olise uu kubad karoos ah u soo dhigay Jordan Ayew, isla markaana kubad uu geesta hoose ka soo tuuray ka dhaliyay.
Chelsea ayaa abuurtay fursado badan oo goolal loo filan karay, waxayna u muuqatay in wiilasha Mauricio Pochettino ay bixin doonaan kharashaadkii ay ku dhammeeyeen ciyaarta labaad oo xidhiidh ah.
Nicolas Jackson ayaa u maleeyay in uu gool dhaliyay daqiiqadii 77-aad markii uu kubad karoos ah oo qoto dheer soo karoosay Thiago Silva balse Video Assistant Referee (VAR) ayaa go’aamiyay in weeraryahanka uu offside ku jiray.
Laakiin Chelsea ayaa heshay nasiinadii ay u baahneed dhamaadkii ciyaarta kadib markii VAR lagu arkay Eberechi Eze uu qalad ku galay Madueke isaga oo ku jira xerada ganaaxa dhexdeeda, waxaana bedelka ku soo galay qaab qaldan uu u diray goolhayaha Palace Dean Henderson.