Dec 05, 2020, Goal.com
Raheem Sterling iyo Kevin De Bruyne ayaa ku dhiiri galiyay Manchester City inay 2-0 kaga badiso Fulham kulankiisii 250aad ee Pep Guardiola uu hogaamiyo kooxda.
Pep Guardiola ayaa u dabaal degay guushiisii 250-aad ee uu maamulo kooxda Man City iyada oo ay goolasha u kala dhaliyeen Raheem Sterling iyo Kevin De Bruyne kuwaas oo ka dhigay guul 2-0 ah oo ay ka gaadheen kooxda Fulham kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.
Sterling ayaa dhaliyay goolasha City sabtidii isagoo dhameystiray tijaabada caafimaadka madaama uu soo gabagabeeyay lix kulan oo tartamada oo dhan isagoo aan wax gool ah dhalin.