Manchester City Iyo Lyon Ayaa u Soo Baxay Wareega 8 da Markii Ay ka soo kala Adkaadeen Real Madrid Iyo Juventus

The Guardian –

Manchester City ayaa u gudubtay wareega 8da ee Champions League ka dib xaalad mar mar ah oo kacsan laakiin ugu danbeyn guul raaxo leh ay kaga gaartay Real Madrid. Raphael Varane wuxuu qalad ku lahaa labada gool, ee ay dhaliyeen Raheem Sterling iyo Gabriel Jesus,

Inkastoo gool barbara ah uu ka soo shaqeeyay Karim Benzema hadana ugu dambeyntii, City waxa ay boorsooyinkeeda u buuxin kartaa Portugal iyaga oo garanaya in ay kaliya seddex kulan oo ay dadaal LA yimaadaan ka dib ay ku guuleysan karaan ​​Champions League

Raheem Sterling iyo Gabriel Jesus ayaa ka faa’iideystay qaladaad aan caadi aheyn oo ka yimid Raphael Varane si Manchester City ay ugu soo baxaan wareega 8da.

City ayaa la ciyaari doonta … Lyon kulanka sabtida soo socda, markii Lyon Si la yaab leh ay iyana u garaacday Juventus goolal banaanka ah oo ay ka dhaliyeen Turin, inkastoo dadaalkii ugu fiicnaa ee Cristiano Ronaldo. Inkastoo Lyon ay afar dhibcood ka qaadatay City wareega group-yada xilli ciyaareedkii hore, kooxda Pep Guardiola ayaa noqon doonta kooxda ugu cadcad

Waxa la sugayaa natiijada kulanka habeen danbe ee kooxaha

Leave a Reply