Maraykanka ayaa ka digay cunto yari soo food saarta 40 milyan qof

5″ Aug”2022″ Reuters

Mareykanka ayaa ka digay in 40 milyan oo qof ay geli doonaan xaalad cunto yari ah, sababtoo ah duullaanka Ruushka ee Ukraine, isagoo sheegay in Afrikada Saxaraha ka hooseeya ay noqon doonto gobolka ugu daran ee ay dhibaatadu saameysey.

Saddex markab oo kale oo sidday dhoofinta badarka Ukraine ayaa ka tagay dekedaha badda madow ee dalka. Ukraine

Afrika ayaa qaadi doonta dhibaatada ugu badan ee cunno yarida ka dhalatay dagaalka Ukraine, Mareykanka ayaa ka digay

Safiirka犀利士 Mareykanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka digay duulaanka Ruushka ee Ukraine uu sababi doono in 40 milyan oo qof laga gooyo ilo cunto oo lagu kalsoonaan karo.

Linda Thomas-Greenfield oo hadda booqasho ku joogta dalka Ghana ayaa sheegtay in dalalka Saxaraha ka hooseeya ay noqon doonaan gobolka ugu dhibka badan ee ay dhibaatadu ka jirto.

Waxay intaas ku dartay in Washington aysan arag “wax calaamad ah oo muujinaya in Ruushku aqbali doono xal diblomaasiyadeed” dagaalka Ukraine.

Gobolka badda madow ayaa ah isha ugu weyn ee sahayda cuntada ee suuqyada caalamka, iyadoo Ukraine iyo Ruushka ay yihiin kuwa ugu muhiimsan ee keena sarreenka, galleyda, barley iyo saliida gabbaldayaha oo malaayiin qof oo ku nool Afrika, Bariga Dhexe iyo qaybo ka mid ah Aasiya ay ku tiirsan yihiin.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku kulmaya magaalada Sochi ee Badda Madow.

Leave a Reply