Maraykanka oo muwaadintiisa Kenya uga digay suurtagalnimada weeraro argagixiso

9″ Feb “2023” BBC

Safaaradda dowladda Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda ku sugan dalka Kenya 犀利士 uga digtay suurtagalnimada weeraro argagixiso oo ka dhaca magaalada Nairobi.

Digniinta ay safaaraddu soo saartay ayey ku sheegtay in kooxaha argagixisadu ay qaadi rabaan weerar ay la beegsanayaan goobaha ay dadka badan iskugu yimaadan gaar ahaan kuwa ajaanibka ah iyo dalxiisayaasha ku sugan Nairobi iyo qaybaha kale ee dalka .

Si kastaba ha ahaatee, safaaradda ayaa qaaday tallaabooyin lagu sugayo ammaanka muwaadiniinteeda. Muwaadiniinta Maraykanka ee dalka ku sugan ayaa la amray inay ka feejignaadaan goobaha ay tagaan dalxiisayaasha/ ajaanibka, si ay uga warqabaan agagaarkooda, iyo inay la socdaan warbaahinta maxaliga ah si ay u helaan xogaha cusub.

Xiligan, dowlada Kenya ayaa heegan buuxa galisay kooxo kala duwan oo qaabilsan amaanka magaalada Nairobi kadib markii dhawaanahan ay dhaceen falal burcadnimo ah oo loo geystay dadka deegaanka.

Dgniintan ayaa sidoo kale  timid iyada oo uu jiro cadaadis soo food saaray Argagixisada Geeska Africa kuwaas oo la dhibtoonaya guluf ba,an oo Dowlada #Somalia Iyo Xooggaga deegaanka uga Imaanayan kadib doorashadii Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud

Madaxda #Somalia , #Djibouti, #Kenya Iyo #Ethiopia oo dhawaan Muqdisho ku shiray ayaa ka wadahadalay Inay Iska kaashadaan Ololaha ciribtirka kooxda Argagixsada ah ee Al-Shabaab iyaga oo aan meesha ka saarin suurtagalnimada firxadka kooxda in uu gaari karo dalalka dariska

Leave a Reply