Maraykanka oo qiray in askartiisa ay waxyeelo ka soo gaartay weerarkii Janaay Cabdalla

Dowlada Maraykanka ayaa qirtay in waxyeelo ay ka soo gaartay mid ka mid ah ciidamadooda weerar ismiidaamin ahaa oo lagu qaaday bar milatray oo ku taal duleedka magaalada kismaayo.

Ciidamada Dowladda, kuwa Jubbaland iyo kuwa Mareykan oo ku sugnaa degaanka Jannaay Cabdalla ee gobolka Jubbada Hoose,ayaa la kulmay weerarka ismiidaaminta ah oo ay ku soo qaadeen kooxda shabaab

Afhayeenka Ciidamada Mareykanka ee Africom Col Chris Karns ayaa sheegay in mid kamid ciidamada Mareykanka uu ku dhaawacmay weerarka ismiidaaminta ahaa oo maanta ka dhacay Deegaanka Jannaay Cabdalla, waxana uu afhayeenku ku tilmaamay askariga inuu ku guda jiray howlo la talin & caawin ah.

Sidoo kale afhayeenka ayaa intaa ku daray in askariga dhaawacmay xaaladiisa ay wanaagsan tahay. Waxana uu afhayeenku sheegay in weerarka lagu soo qaaday xerada ay ku lahaayeen Janaay Cabdalla uu ahaa mid ismiidaamin ah iyo hoobiyaal lagu soo riday xerada.

Weerar ismiidaamin ah oo saaka lagu qaaday deegaanka Jannaay Cabdalla ayaa waxaa sheegtay ururka Alshabaab waxana uu Alshabaabsheegay in weerarkan ay ku dileen illaa afar askari oo Maraykan ah iyo ciidamo kale oo Soomaali ah.

Leave a Reply