Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay ku bixisay lacag gaareysa $ 5.3 bilyan soo celinta amniga iyo kala dambeynta 20-kii sano ee lasoo dhaafay isla markaana aan wax natiijo ah ka soo bixin.
Ku simaha safiirka Mareykanka ee UN-ka Cherith Chalet, ayaa hadalkaan ka hor jeedisay golaha amaanka, iyadoo timaamtay in lacagtaan faraha badan iyo natiijooyinka ka soo baxa Soomaaliya aysan haba yaraatee isu dhigmin.
Mareykanku wali wuxuu adeegsanayay duqeymo isagoo rajeynayay inuu ku dhufto shakhsiyaadka muhiimka ah ee Shabaab– Hase yeeshee waxaa shaki la’aan ah in tallaabooyinka milatari aanu ahayn xalka kaliya ee looga guulaysan karo argigixisada Alshabab,” ayay tiri Cherith Chalet.
Maraykanka waxaa uu walaac xoogan ka muujiyay lacagaha canshuuraha lasiiyo Al Shabaab, isagooo tusaale usoo qaatay weerarkii ugu dambeeyay ee Al-shabaab ku qaadeen hotel Elite, sheegayna in dhaqalaha weerarkaas lagu abaabulay uu yahay canshuurka Shabaab ay ka qaadaan xarumaha ganacsiga.
Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sii wada tababarada ciidamada Soomaaliya iyo howlgalada duqeymo cirka ah. Sanadkaan 2020, Taliska Mareykanka ee Afrika wuxuu qaadday 46 weerar oo cirka ah si loo yareeyo qatarta Al-Shabaab.
Mareykanka, ayaa qorsheynaya in uu xalliyo istiraatiijiyadooda lagu xoojinayo Soomaaliya, isagoo adeegsandoona wadiiqooyin kale.
Bishii April ee sannadkan, Ciidamada Maraykanka waxay qirteen in dad rayad ah ay waxyeello ka soo gaartay duqeymo dhinaca cirka oo ay isla bishaas ka fuliyeen Soomaaliya.
Warbixin uu taliska Maraykanka ee Afrika Africom Isniintii uu soo saaray wuxuu ku sheegay duqeyntaasi in ay ku dhinteen 2 qof oo rayad ah 3 kalana ay ku dhaawacmeen
Soomaaliya waxaa la qiyaasaa in ay ku sugan yihiin ilaa 500 oo askari oo ka tirsan ciidamada Mareykanka, kuwaasoo u badan saraakiil ay howshooda tahay iney bixiyaan la