MUQDISHO — 26″ October 2021″ Tuesday
Mareykanka ayaa sheegey inay ka fiirsanayaan taageerada ay siiya壯陽藥 an Ciidanka Danab ee Soomaaliya. Arrintan ayaa ka danbeysey kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in Ciidamada Danab ay ka qeybgaleen dagaaladii maaalmihii dhawaa ka socdey magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Sarkaal ka tirsan safaarada Mareykanka ee Soomaaliya oo ka jawaabayey dalab ay VOA-du ku weydiineysey sida ay u arkaan ku lug lahaanshaha ciidamada Danab ee dagaalka Guriceel ayaa sheegey in Mareykanku ay siiyaan tababro iyo taageero kaleba ciidamada xooga dalka qeybtooda Danab si ay u gaaraan hadafka ay wadaagaan ee ah sidii looga adkaan lahaa Al-Shabaab.
Sarkaalka ka tirsan safaaradda Mareykanka ayaa sheegey in iyagoo eegaya dagaalkii Guriceel ay dib u eegi doonaan taageerada ay siiyaan Danab, si loo xaqiijiyo in taageeradaas loo adeegsado si ku haboon kuna qaabeysan siyaasadda iyo ujeedooyinka Mareykanka.
Haddaba Gaashaanle Sare Axmed Cabdullaahi Sheekh oo ahaa taliyihii hore ee Danab ayaa ka hadlay sida uu arko warka safaaradda Mareykanka iyo ku lug lahaanshaha ciidamada Dana bee dagaalka Guriceel.