Maraykanka waxa uu mar kale ku celiyay in Somalia ay la garab taagan yihiin taageero dhinac walba leh

1″ December “2022”‘Muqdisho

Safaarada Maraykanka oo soo saartay qoraal ayaa ka hadashay taageerada uu maraykanka la garabtaagan yahay soomaliya

Qoraal kooban uu bartiisa Twitter ka soo dhigay Danjiraha maraykanka u jooga somalia Larry André waxa uu Ku yiri

Iyadoo kooxaha xagjirka ah ee rabshadaha wata ay ka cararayaan weerarrada ay wadaan ciidamada amniga ee federaalka iyo kuwa maxalliga ah ee #Soomaaliya, waxaan sii wadi doonnaa taageerada dadka Soomaaliyeed ee ku nool bulshooyinka ay ku nool yihiin iyo inaan gacan ka geysanno isu-duwidda saaxiibbada caalamka ee Soomaaliya. 🙏

Dhinaca Kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa uga mahadcelisay saaxiibada caalamka oo Maraykanku ugu horeeyo doorkii ay ka qaateen daah-furka Istaraatiijiyadda Xasilinta Qaranka. Sidoo kale la-hawlgalayaasha kale ee xasilinta iyo xulafada sida ay uga go’an tahay soo kabashada bulshooyinka la xoreeyay.

Leave a Reply