Mareykanka Ayaa Ku Dhawaaqay In uu Ka Soo Horjeedo Isku,day kasta oo Muddo Kordhin u Ah Dowlada Hada Jirta “

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay ka soo horjeedo wax kasta oo muddo kordhin ah oo loogu talagalay dowladda hadda jirta.

Qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ah ee Twitter-ka, ayaa safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxay ku sheegtay in doorashada Soomaaliya 2020/21 ay tahay in la qabto waqtigeeda.

Bayaanka, Safaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in nooca doorashada, oo hadda dood ka taagan tahay, ay tahay inay taageero ka hesho dhammaan heerarka siyaasadeed.

Intaa waxaa sii dheer, waxay ku baaqday in wadahadallada Dhuusamareeb ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedku ay sii socdaan.

“@ US2Somalia waxay si aad ah u sugaysaa natiijooyinka #Dhusamareb 3 Mtg. Baahida loo qabo wada tashi ballaaran & isu tanaasul dhab ah ayaa fure ah. Qaabka doorashada ayaa u baahan taageero ballaaran oo ku saleysan FGS, FMS, Baarlamaan, iyo daneeyayaasha kale. Doorashooyinka waqtigii loo qabtay, majiro waqti kordhin. Bayaanka ayaa lagu yiri:

Leave a Reply