Daawo: Mareykanka oo 5 saldhig militari ka dhisanaya Soomaaliya

15-Feb-2024- Muqdisho

Mareykanka ayaa shan saldhig oo militari ka dhisanaya Soomaaliya .

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta heshiis milateri oo taariikhi ah la sax壯陽藥 iixatay dowladda Mareykanka, kaasi oo ka dhacay xarunta Xalane oo ku taalla gudaha safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Heshiiskan oo is afgarad ah ayaa waxaa goobjoog ahaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana saxiixay wasiirka difaaca Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Sidoo kale waxaa Mareykanka u saxiixay Sii Hayaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, waxaana goobjoog ka ahaa ku xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika.

Saxiixa heshiiskan ayaa ku saabsan dhisida illaa 5 saldhig oo uu Mareykanka ka hirgelin doono gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ay isticmaali doonaan ciidamadiisa iyo kuwa uu tababaro ee kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dowladda federaalka ayaa boggaadisay heshiiskan, ayada oo ku tilmaamtay inuu yahay mid muhiim ah, isla markaana lagu tayeen doono ciidamada Soomaaliyeed.

Mareykanka ayaa horay wuxuu saldhig ugu lahaa garoonka ciidamada Cirka ee Balli-doogle iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo, halkaas oo kasoo abaabulo howlgallo culus.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka ka qayb qaata dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna sidoo kale duqeymo cirka ah ka fuliyaa koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Leave a Reply