22″ December “2022” ALJAZEERA
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa uga digay Taliban in Maraykanku uu xayiraad saari doono “kharash” ku soo rogi doono kooxda haddii aysan ka laaban go,aanka ay dhawaan ku soo rogeen haweenka inay dhigtaan jaamacadaha Afgaanistaan.
Kooxda Taliban oo kula wareegtay magaalada Kabul 16 bilood ka hor heshiis ay Qatar garwadeen ka tahay ayaa ku doodaya in xeerarkoodu uu waafaqsan yahay ku dhaqanka shareecada Islaamka, inkastoo Afgaanistaan ay tahay dalka kaliya ee Muslim ah ee ka mamnuuca gabdhaha in ay wax bartaan
Blinken ayaa Khamiistii sheegay in xukuumadda Kabul ee uu hoggaamiyo Taliban aysan awoodi doonin inay hagaajiso xiriirka ay la leedahay adduunka intiisa kale haddii ay sii socoto diidmada haweenka Afqaanistaan in ay waxbartaan
“Waxa ay sameeyeen waa in ay isku dayaan in ay ku xukumaan haweenka iyo gabdhaha Afgaanistaan mustaqbal mugdi ah iyada oo aan fursad loo siineeyn waxbarashada,” Blinken ayaa sidaas yiri intii lagu jiray shirkii jaraa’id ee dhamaadka sanadka ee Washington, DC.
“Xukunka guntuna waa in uusan jirin waddan awood u leh inuu guulaysto – si aad u yar oo horumarsan – haddii uu diido kala bar dadkiisa fursadda ay wax ku biirin karaan ayuu raaciyay .
“Si aan u caddeeyo, waxaan hadda ku hawlannahay waddamo kale – hadda waxaa jiri doona kharashyo haddii aan tan laga beddelin, haddii tani aysan isbeddelin,” ayuu yiri Blinken, isaga oo aan sheegin waxa tallaabooyinka ay ku jiri karaan.
Dhaqaalaha ku tiirsan gargaarka Afgaanistaan ayaa durbaba waxaa saaran cunaqabateyn culus oo Mareykanka iyo reer galbeedka ay saareen ka dib markii Taliban ay la wareegeen dalka sanadkii hore xilli ay ka baxeen ciidamada Mareykanka, taasoo soo afjartay 20 sano oo dibad joog ka ahaayeen Taliban talada dalka Afghanistan.
Iyada oo laga jawaabayo cabsida baahsan ee laga qabo in ay dib ugu soo laabtaan siyaasadihii qallafsanaa ee ay xukumi jireen taliskii Taliban dalka Afgaanistaan sagaashamaadkii, kooxdu waxay markii hore ballan qaaday dawlad dhexdhexaad ah markii ay xukunka la wareegtay Ogosto 2021.
Balse tillaabada lagu hakiyay waxbarashada jaamacadda ee lagu dhawaaqay horraantii toddobaadkan, ayaa caro ka dhalisay caalamka oo dhan, oo ay ku jiraan dalal dhowr ah oo muslimiintu ku badan yihiin oo ugu baaqay Taliban inay ka noqoto go’aanka.
Caasimadda Afgaanistaan, ee Kabul mudaaharaadayaal u badan haween ayaa isugu soo baxay bannaanka Jaamacadda Kabul, iyagoo sita boorar, kuna dhawaaqayay, “Waxbarashadu waa xuquuqdeenna, waa in jaamacadaha la furo.”
Maalin ka hor, ardayda wax ka barata jaamacadda Nangahar ee ku taal bariga Afgaanistaan ayaa iyaguna mudaaharaad dhigay, waxaana imtixaamaadka ka baxay rag arday ah oo bartay cilmiga caafimaadka iyaga oo ka cabanayay gabdhihii ay isku fasalka ahaayeen oo laga saaray.
Nadiim ayaa sidoo kale sheegtay intii uu socday wareysiga in doodaha ku saabsan waxbarashada haweenka ay socdaan.
Dhanka kale, go’aanka ayaa sii wada dhaleecayn ballaaran, iyadoo kooxda Todobada ah (G7) ee hodonka ah ay sheegeen in cadaadiska jinsiga uu noqon karo dembi ka dhan ah bini’aadantinimada, bayaan uu soo saaray Khamiistii ayaa dhaleeceeyay go’aanka Taliban.
Washinton, Blinken waxa uu sidoo kale sheegay in mamnuucidaasi ay dhaawici doonto fursad kasta oo Taliban ay ku wanaajiso xiriirka ay la leedahay wadamada kale.
“Rajada kasta oo Taliban ay raadineyso inay hagaajiso xiriirka adduunka, beesha caalamka, taas oo ah wax ay rabaan oo aan ognahay inay u baahan yihiin – taasi ma dhici doonto haddii ay sii wadaan koorsadan,” ayuu yidhi.
SOURCE: AL JAZEERA AND NEWS AGENCIES