26″ Dec”2021″ Sunday
Danjirayaasha Mareykanka Iyo Ingriiska ayaa taageeray Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu ku baaqay Ra’iisulwasaare Rooble
Dowladda Ingiriiska ayaa markii ugu horreysay shaacisay Mowqifkeeda,tan iyo markii uu soo cusboonaaday khilaafka ka dhexeeya madaxtooyada iyo Xukuumadda.
Dowladda ingriiska ayaa si gaar ah uga hadashay shirarka ay ku kala baaqeen madaxweynaha Mudda xileedkiisu dhammaaday iyo RW Rooble, eek u aaddan shirarar la isugu imaanaya magaalada muqdisho.
Safiirka Ingiriiska ayaa qoraal ay soo saartay waxaa ay ku shaacisay in ay taageersan tahay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha.
Haweenayda lagu Magacaabo kate Foster ayaa sidoo kale intaa ku dartay in Madashan muhiimka ah ay tahay meesha looga hadlayo cabashooyinka iyo arrimaha jira.
Dhanka kale Maraykanka ayaa taageeray Shirka RW Rooble, waxaaana si la mid ah sida Ingiriiska ay Soo dhaweeyeen shirka uu ku baaqay Rooble.