Mareykanka oo Dalab Deg-Deg o Ku Aadan Doorashada Hordhigay Farmaajo

February “8” 2021″ MUQDISHO-

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ka hadashay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa oo lagu heshiin waayay, uuna dhammaaday muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale Mareykanka ayaa tilmaamay in xal ka gaarista khilaafka uu muhiim u yahay Mustaqbal Soomaaliya, waxaana Madaxda la faray inay dhinac iska dhigaan dahanooda Gaarka oo ay xaliyaan khilaafka taagan, si loo qabto doorasho heshiis lagu yahay.

Ugu dambeyn Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in arrimo badan oo muhiim ah horumar laga gaari lahaa sida xoojinta amniga dalka, horumarinta dhaqaalaha, Wejiga koowaad ee deynta Cafinta Soomaaliya iyo raashin la’aan heysata dad shacab ah.

Si kastaba Qoraalka kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ayaa waxaa uu ku soo beegmaday, iyadoo Madaxweyne Farmaajo muddo xileedkiisa uu dhammaaday, xili heshiis laga gaari waayay doorashada dalka.

Leave a Reply