16- August-2023-

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Wadahadallada DFS iyo SOMALILAND Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta kullan miro dhal ah la qaatay Mr. Shane L.Dixon oo ah ku-simaha safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, waxaana ay ka wada hadleyn guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaanna xaaladda Somaliland iyo Wadahadallada DF iyo SOMALILAND.
Ku-simaha Safiirka ayaa u noo cadeeyay ergayga sida ay Dowladda Mareykanka markasta oga go’an tahay wadajirka iyo xasiloonida Soomaaliya iyo in ay garabtaagan yihiin in ay wadahadaladu guul犀利士 eystaan.
