Mareykanka oo Farriin Culus U Diray Dowladda Dhexe Iyo Madaxda Maamul Goboleedyada

29″ January “2021

Mareykanka Oo Farriin Culus U Diray Dowladda Dhexe Iyo Madaxda Maamul Goboleedyada

waxaan ugu baaqaynaa Madaxweyne Farmaajo, Siciid Cabdulalahi Deni, Qoorqoor, Lafta-gareen, Cali Guudlaawe iyo Axmed madoobe in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku xaliyaan arrimaah la siku mari la’yahay, iyo tabashooyinka taagan, waana in dooarshadu ay ku dhacdaa si nabad ah oo wax qala-laase ah aysan dhicin, waxaana la aqbali doonin doorasho hal dhinac ah iyo doorashooyin is bar-bar socda” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Safaaradda mareykanka ee Soomaaliya.

Qoraal saacad ka hor kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu soo dhaweeyay magacaabidda Guddiyada Heer Dowlad Goboleed ee Hirgelinta Doorashada Jubaland iyo Puntland, waxaana si buuxda ay beesha Caalamku u taageertay soo jeedinta ah in si deg deg ah loo qabto kulan dhexmara madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah, si loo xalliyo arrimaha hirgelinta doorashada ee harsan si horey loogu socdo qabashada doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo loo wada dhanyahay.

Leave a Reply