8- June-2023-
Mareykanka oo hakiyay cunnada gargaarka ah ee uu siin jiray Itoobiya, isagoo sheegay in aan la gaarsiin dadka baahan
Hay’adda Maraykanka u qaabilsan horumarinta caalamiga ah ee (USAID) ayaa Khamiistii sheegtay inay joojinayso cuntadii gargaar ee ay siin jirtay Itoobiya, sababtoo ah deeqaha ay siin jirtay 壯陽藥 ayaa laga weeciyey dadka dhibaataysan.
Afhayeen u hadlay ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in hay’adda USAID ay go’aamisay iyada oo kaashanaysa dawladda Itoobiya in “olole baahsan oo la isku dubariday lagu weecinayo gargaarka cuntada ee dadka Itoobiya”.
War saxaafadeedka laguma sheegin cidda ka dambeysay ololahan.
Maraykanka ayaa ilaa hadda ah deeqaha ugu badan ee bini’aadantinimo siiya Itoobiya, halkaas oo in ka badan 20 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar cunto, kuwaas oo u badan abaaro iyo dagaal dhawaan lagu soo afjaray waqooyiga gobolka Tigray.
Sida lagu sheegay warbixin gudaha ah oo ay soo saareen koox ka mid ah deeq-bixiyayaasha Itoobiya oo ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters, USAID waxay aaminsan tahay in cuntada loo weeciyay cutubyo ka tirsan ciidamada Itoobiya.
“Qorshahan waxa uu u muuqdaa mid ay soo agaasimeen hay’ado ka tirsan dowladda federaalka iyo kuwa maamul-goboleedyada, iyadoo qaybaha milateriga ee dalka oo dhan ay ka faa’iideysanayaan gargaarka bani’aadamnimo,” ayaa lagu yiri dukumentiga ka soo baxay Ururka Deeqaha Bani’aadamnimada iyo Adkeysiga (HRDG), oo ay ku jirto USAID