Mareykanka oo ka digay musuq maasuq iyo qaraaba-kiilka la xiriira dib u habeynta Amniga

Mareykanka ayaa sheegay inuu taageerayo dib u habeynta qeybta Amniga oo horseedaya mustaqbal ifaya Soomaaliya iyo Soomaalida oo dhan.

Mareykanak wuxuu taageerayaa dib u habeynta qeybta Amniga Soomaaliya oo horseedeysa mustaqbal ifaya Soomaaliya iyo Soomaalida oo dhan, musuq maasuqa iyo qaraabo-kiilka waxay dhaawacayaan horumarka, waxayna wiiqeysa amniga dadka Soomaaliyeed, iyadoo xoojineysa Cadawga”

Farriintan ayuu Mareykanka ku soo beegay, iyadoo dalku ku jiro xilli kala guur ah, oo aanu dalku laheyn Ra’iisul Wasaare muddo 45 cisho ah, sidoo kale qoraalka ayaa u muuqday farriin toos ah oo ku socday Milateriga Soomaaliya, kaddib markii ay soo baxday warar sheegaya in shaqo joojin lagu sameeyay Taliyihii Ciidanka DANAB ee uu Mareykanka tababaro oo lagu magacaabayay Ismaaciil oo ku heyb ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre

Sidoo kale waxaa dhowaan is casilay Mas’uulkii qeybta dib u habeynta amniga u qaabilsanaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kaasoo ka cabanayay faragelin uu sheegay inuu uga imaanayay La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha.

Dhinaca kale La Taliyaha Amniga Qaranka Cabdisaciid oo qoraal u muuqday mid jawaab ah ku soo qoray bartiisa Twitter-ka ayaa ku sheegay inay ku boggaadinayaan taageerada Saaxibada Caalamiga.

“Waxaan ka mahadcelineynaa taageerada joogtada ah ee aan ka helayno Saaxibadda Caalamiga, waxaana aaminsanahay inay door muhiim ka ciyaari karaan horay u socoshada. Hay’adaha Soomaaliyeed waa in lala tashadaa oo ay si firfircoon uga qayb qaataan dejinta, hirgelinta iyo gaarsiinta dhammaan arrimaha muhiimka ah ee amniga la xiriira”ayuu yiri La Taliyaha Amniga Qaranka.

Leave a Reply