Mareykanka oo ka hadlay duqeeyntii Ceelgaras oo la sheegay inay dad rayid ah ku dhinteen

8- September-2023

Taliska Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa ka hor yimid eedeyn uga timid dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan in duqeymo ay fuliyeen dad shacab ah ay khasaaro ka soo gaartay.

Al-Shabaab ayaa ku eedeeyay taliska Mareykanka ee AFRICOM in duqeymo ay ka fuliyeen deegaanka Ceel la helay ee gobolka Galgaduud ay ku dileen dad rayid ah.

Balse taliska AFRICOM ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dadka rayidka ah ay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay howgal ay halkaasi ka fuliyeenka ciidanka dowladda Soomaaliya.

Mareykanka ayaa sheegay in uu soo qaaday dhaawacyada dadka ku dhaawacmay howgalada isla markaana uu xaaladooda caafimaad xiligan gacanta ku hayo.

Dhinaca kale Mareykanka ayaa xusay in howgalkaasi sidoo kale ciidanka dowladda Soomaliya ay ku dileen 3 hoggaamiye oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sida ay BBC du ogaatay, saddexda nin ee lala beegsaday duqaynta ayaa ku cararay guri Aqal Soomaali ah oo ay deganaayeen qoys reer miyi ah, taasina ay sababtay in duqayntu ay ku dhacdo hoyga qoyska. Waxaa halkaas ku geeriyooday todoba qof oo shacab ah.

Dhanka kale goobjoogayaal BBC u warramay waxay sheegeen in ay jiraan dad rayid ah oo dhimasho iyo dhaawacba uu ka soo g犀利士 aaray hawlgalkaas.

Sida ay ay dadkaas BBC u sheegeen waxaa aqalka qoyska reer miyiga ee raggaas la daba joogay ay u galeen lagu dhuftay “gantaal ay dayaarad soo ridday ka hor intii aysan ciidanka Soomaalida ah imaan”. Ma cadda in ciidankaas ay diyaarad ka soo dageen iyo inay gaadiid dhulka ah wateen.

Waxay intaa ku dareen in dadka dhintay ay ku jireen 5 carruur ah, ayeeyadood, iyo gabar guriga joogtay, taasoo ka dhigaysa todoba qof tirada dadka rayidka ah ee ilaa hadda ay BBC u sheegeen dad goobjoogayaashu inay hawlgalka ku dhinteen.

Wasiirka ku xigeenka wasaaradda warfafainta ee Soomaaliya oo la hadlay BBC, wuxuu diiday inay dad rayid ah ku dhinteen hawlgalka duqaynta.

“Waxaa jira guri ay dad shacab ah ku noolaayeen oo ay khawaarijtu walxaha qarxa dhex dhigeen oo waxaasi ay ku qarxeen, halkaasna ay dad shacab ah ay ku shahiideen

Leave a Reply