Mareykanka oo Ka Horyimid Xilka Qaadistii RW Kheyre Walaacna Muujiyay

Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in ay talaabo ka qaadeeyso waxay ugu yeertay qaswadayaal waxyeelayanaya dawladnimada Soomaaliya

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ka hadashay Go’aankii kalsoonida ay Xildhibaanada Golaha Shacabka ugala noqdeen Ra’iisul Wasaarihii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in Go’aankii kalsooni kala noqoshada Ra’iisul Wasaare Kheyre ay aad uga xun tahay, islamarkaana arrintaas ay korseedi korto amni darro iyo qalqal ku yimaada arrimaha siyaasada dalka.

Sidoo kale Qoraalka Safaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in habraac qadlan loo maray xilka qaadistii Kheyre, taasina ay dib u dhac u keeni karto taageerada dowladda Mareykanka ay siiso dowladda Federaalka Soomaaliya

Mareykanka ayaa shaaciyay inuu sii wadayo taageerada uu ka geysanayo sidii doorasho dalka Soomaaliya ay ugu dhici laheyd waqtigii loogu tala-galay, taasina ay ku timaado wadatashi iyo wadahadalo ay yeeshaan saamileyda siyaasadeed ee dalka.

“Safaarada maraykanka waxa ay sii wadaysaa inay gacan ka geysato sidii doorasho federal ah oo waqtigeeda ku dhacda kana timaada wadatashi iyo wadahadalo wax ku ool ah oo lala yeesho dhammaan saamileyda” ayaa la sii raacsiiyay Qoraalka Safaaradda Mareykanka.

Ugu dambeyn Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka ka jira  iyo Golaha Shacabka ugu baaqday inay fuliyaan heshiisyadii bilowga ahaa ee lagu gaaray Shirkii Magaalada Dhuusamareeb.

Leave a Reply