Mareykanka oo ku hanjabay inuu talaabo ka qaadi doono cidii is hor,taagta hirgalinta doorashada somalia oo dib u dhacday mudo sanad

12″ January “2022” “Washington

Afhayeenka Wasaaradda A. Dibadda Mareykanka Ned Price ayaa muqaal uu soo duubay ku sheegay in Mareykanku uu cunqabateyn saarayo Soomaaliya, haddii waqtiga loo qabtay doorashada ay sii jiidanto ama kasii dib dhacdo

“8 Febraayo waa sanad guuradii koowaad markii uu xilka ka dhamaaday Farmaajo, Mareykanka wuxuu diyaar u yahay inuu qaado tallaab walba oo ay ku jiraan xayiraada Visaha, si ay uga jawaabto dib u dhaca dheeraadka ama falalka wax u dhimaya hufnaanta Geeddi socodka doorashada” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda A. Dibadda Mareykanka Ned Price

Mareykanka ayaa sidoo kale ugu baaqay Madaxda Soomaalida in ay dedejiyaan Doorashooyinka si looga baxo xilgaarsiinta iyo si looga fogaado in dalka uu dib ulaabto kalana khalalaaso si壯陽藥 yaasadeed iyo mid amni.

Dowladda Mareykanka ayaa kamid ah saaxiibada tageero Soomaliya dhan dhaqaale iyo dhan ciidanba, waxaa hanjabaada Mareykanka ay kusoo aadeysaa xili Madaxda Maamul goboleedyada Gobolka Banaadir iulyo Ra’iisul wasaare Rooble ay ku heshiiyeen in Doorashadda lasoo gabogabeeyo ilaa 25 February

Leave a Reply