Mareykanka oo sheegay in Al-shabaab gudaha u galeen Itoobiya

29″ July “2022”

Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in Al-shabaab isku dayeen ay gudah u galaan dalka Itoobiya, weerarkii ay dhowaan ku qaadeen deegaannada ku yaalla Xadka Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay muddo badan qorsheynayeen.

Ku dhawaad 500 oo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa todobaadkii hore markii ugu horeysay u gudbay dhanka bariga dalka壯陽藥 Itoobiya, iyaga oo xuduudka kula dagaalamay ciidamada Itoobiya. Qiimaynta Maraykanku waxay muujinaysaa in laga yaabo inay gudaha u galeen Itoobiya ilaa 150 kiiloomitir ka hor inta aan la joojin.

“Waxay u muuqataa in Itoobiyaanku ay si weyn u xakameeyeen oo ay ka adkaadeen duullaankan,” ayuu yiri Jeneral Stephen Townsend, taliyaha xilka ka tagaya ee Taliska Mareykanka ee Afrika, Khamiistii mar uu la hadlayay Kooxda Qorayaasha Difaaca ee fadhigeedu yahay Washington.

Saraakiisha Itoobiya ayaa dhankooda sheegay in ay iska caabiyeen weerarka Al-Shabaab.

Leave a Reply